24th October 2024  admin  Category :

Maamulka Hargeeysa ayaa inta badan la yimaada wax aan suurtagal aheen ama aan shaqeeneeyn; maamulkaas shir ay yeesheen maalin dhaweeyd ayaa waxa ay ka soo saareen qodobo dhawr ah kuwaas oo ah kuwo aan micno badan sammeeneeyn. Hadaba, maamulka Hargeeysa qodobada ay soo saareeyn oo shan shuruudood ka koobnaa ayaa kalla ah:

In wadahadalka u dhaxeeya iyaga iyo Soomaliya dib loo billaabo;

In Soomaaliya ay qirto ineey dal ahaayeen 26kii June 1960kii, ayna la midoobeen Soomaaliya iyaga oo ahaa dal sidaas awgeedna wada hadalka dhici doona lagu gallo labba dal oo kalla madax bannaan;

In wadahadalka ay yeelanayaan SNMta iyo Soomaaliya aan lagu soo dari karin qof Warsangeli, Dhulbahante ama Gudibiirsi ah oo ka socda dhinaca Soomaaliya kaas oo xil ka haya ama ka soo hor jeeda maamulkooda Hargeeysa;

In beesha caalamka ay ulla dhaqanto iyaga ineey yihiin dal madax bannaan oo aan qeeyb ka aheen Soomaaliya;

In dhammaan qoraalada ay isticmaalayaan hay’adaha caalamiga ah loo adeegsado astaamaha uu leeyhay maamulkooda oo ay ka mid tahay calanka.

Hadaba qodobada ay soo saareen oo dhan ayaa ah kuwo aan waxba ka suurta gelli doonin. Tusaale waxeey sheegteeyn in ay ahaayeen dal madax bannaan taas oo ah mid aan waxba kajirin sababtuna waxeey tahay in Somaliland aysan welligeed noqon dal madax bannaan, markii Ingiriiska uu ka baxay ujeedka waxa uu ahaa in gumeeysigii uu dhammaaday, kadibna waxaa midoobay Koonfurta iyo Waqooyiga oo gumeeytayaashii ay ka tageen.

 Tan wadahadalka ah, Soomaalida kalle iyo beesha Isaaq ma jirto wax ay kawada hadlaan oo meesha yaal waayoo ah dawladdii Kacaanka oo wax laga tabanayey waxeey sii maqan tahay 30 sanno, Soomaali oo dhana waa la is wadda dilay;

Midda ah wadahadalka kama soo qeeyb gelli karaan dad aan aheen Isaaq iyo marabida u shaqeeysa waa mid aan suurtagal noqon karin sababtoo ah dadka badankiisa ee aan aheen Isaaqa marnaba ma doonayaan in dalka Soomaaliya la kalla jaro, waxeeyna xaq u leeyihiin wax kasta oo masiirkooda taabanaya ineey wax ka yiraahdaan oo ay ka qeeyb gallaan shir kasta oo looga hadlayo mustaqbalkooda.

Midda beesha caalamka ee ah ineey ulla dhaqanto ineey yihiin dal ka madax bannaan Soomaaliya ayaa iyaduna ah mid aan waxba ka soconeeyn waayoo ah beesha caalamka qof afka wax ka yiri wax kuma jaangooyaan, waxeeyna wax ku jaangooyaan in dalka la aqoonsan yahay uu ka mid yahay Qaramada Midoobay uuna ka yahay xubun buuxdo.

Hadaba, marka aad eegto qaabka ay u dhaqmayaan maamulka Hargeeysa waxaa ay u muuqanayaan dad aan welli caqli badan uusan u kordhin, ayna ku jiraan riwaayado aan dhammaad laheed, laakiin waxaa dhab ah in waqtiga uu miyirka u soo cellin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*