20th September 2024  admin  Category :

Ciidamo Itoobiyaan ah Oo Laga Hor-istagay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.(Sawiro)

Qorshe ay ciidamada Itoobiya doonayeen inay ku degaan garoonka diyaaradha magaalada Kismaayo ayaa maanta fashilmay kadib markii ay is-hortaageen maamulka garoonka, ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay shalay maamulka garoonka ka codsadeen inay ka mid noqdaan ciidamada deggan garoonka, hase yeeshee waxaa loo sheegay inay warqad ogolaansho kasoo qaataan taliska Amisom ee Soomaaliya.

Itoobiyaanka ayaa markii ay sidaas dhacday, ayaa ayaga oo aan dalban wax ogolaansho ah, waxa ay maanta garoonka usoo direen diyaarad sidday qalabkii ay xarumaha uga dhex sameysan lahaayeen garoonka, halka ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay soo safteen banaanka garoonka, ayaga oo kasoo tegay deegaanka Ma Dhamaato oo 5km u jira duleedka Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin.

Diyaaraddii Itoobiyaanka ahayd ayaa loo diiday inay kasoo degto garoonka, wayna laabatay. Hase yeeshee mar kale ay soo jiireysay haddana isku dayday inay garoonka kasoo degto, balse mar kale ayaa loo diiday inay soo degto, wayna iska laabatay.

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee iyagana kasoo tegay deegaanka Ma Dhamaato ee duleedka Kismaayo ayaa dib ugu laabtay saldhiggooda, ayada oo is hor-taageen ciidamada Kenyanka iyo kuwa Jubaland ee garoonka maamula.

Garoonka ayaa mar maanta ku sigtay isku dhac labada dhinac ah iyo dagaal, hase yeeshee xiisadda ayaa hadda qabowday.

Loolanka Jubaland ayaa ka sokow dowladda federaalka iyo Jubaland, waxa uu hadda u muuqdaa mid ka dhex oogan Kenya oo taageerysa Axmed Madoobe iyo Itoobiya oo taageereysa dowladda federaalka ah.

Inkasta oo ciidamada Itoobiya ay maanta dib u laabteen islamarkaana ku fashilmeen qorshahooda, haddana ma cadda tallaabada xigta ay qaadi doonaan, waxaana Kismaayo ka taagan cabsi xooggan, oo ah in Itoobiyaanka awood adeegsadaan oo ay dagaal soo qaadaan.

Doorashada Jubaland ayaa waxa ay dhaceysaa 22-ka bishan, waxaana muuqata in waqtiga kasii dhammaanayo dowladda federaalka ah, islamarkaana ay awoodi weysay inay awood ku muquuniso si la mid ah, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

@

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*