20th September 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa dooneeysa in maamulada ka jira dalka Soomaaliya oo dhan ay u dhiibato “Laftagareeno” miiran si dalka looga dhigo mid hal fikir lagu maamulo, talladiisana laga soo gooyo magaalda Muqdisho, iyadoo la baal marayo nidaamka iyo dastuurka dalka u yaal.

Hadaba, Jubaland oo aan ognahay meesha laga keenay, ayaa kooxda Nabad iyo Nolol waxeey doonayaan ineey si fudud taladeeda kulla wareegaan, iyadoo la adeegsanayo shaqsiyaad calooshood u shaqeeystayaal ah.

Jubaland doorashadeeda iyada ayaa u madax bannaan, mana jirto meel dastuur ahaan uga bannaan dawladda federaalka. Inta badan, dawladda federaalka iyada ayaa ku eedeeyn jirtay maamulada dalka in shaqadii ay gaarka u laheed ay ku heeystaan maamulada ka jira dalka, balse maanta waxaan aragnaa in dawladda federaalka ay dooneeyso in shaqadii maamulada ay iyadu soo fara geliso.

Tusaale, dalka Mareeykanka oo leh nidaam federaal oo soo jiray waqti dheer ayaa gobolada waxeey leeyihiin awoodo gaar u ah oo ay ka mid tahay qabashada doorashada, abuuritaanka dawaladaha hoose, ineey wax ka bedel ku sameeyaan dastuurka, sharci u dajinta ganacsiga gobolka dhexdiisa iyo mas’uuliyado kalle oo u gaar ah.

Hadaba, Farmaajo iyo Kheeyre ayaa ku fashilmay shaqadii ay ummadda ka sugeeysay oo ay ka mid aheed dhameeystirka dastuurka qabyada ah, ka shaqeeynta amniga, iyo dib u heshiisiinta dadka. Iyagoo aan nabad ku joogin Muqdisho, amnigeedana aan sugi karin in ay fara gelliyaan maamulada ka jira dalka waa mid nacasnimo aad u weeyn ah.

Si doorashada soo socota ay ugu shubtaan, ayaa Nabad iyo Nolol xubnaha ku jiraa waxeey iska dhaadhiciyeen maadaama aysan waxba qaban, aysan suurtagal aheen ineey dib u soo noqdaan, marka si ay si fudud ugu soo baxaan doorashada soo socota waxeey iska dhaadhicyeen in maamulada dalka ka jiraa oo dhan ay gacanta ku dhigaan.

Hadaba, Jubaland iyada ayaa dastuurka siinayaa in doorashada goblkeeda ay qabato; sidaa darteed, waa in aysan dheg u dhigin dawladda federaalka ee musuqmaasuqa wax ku raadineeysa, cid kasta oo isku dayda in Jubaland ay qalqal gellisana waa in meel looga soo wada jeestaa. Haddii Nabad iyo Nolol ay meesha caqli ku hayaan, dadka Muqdisho maalin kasta lagu leenayo wax ka qabato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*