27th December 2024 admin Category :
Bariire iyo Awdheegle iyo Buuraha Calmadow maxay ku kala duwan yihiin.
Bariire iyo Awdheegle, waa degaanada alshbaabku ka jogaan Koonfurta Soomaaliya ee Ciidanka dawladda Soomaaliya ay hadda dagaalka ku qaadeen
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hadda Howlgal Qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.
Weerarkan qorsheysan ee lagu qaaday Argagixisada ayaa jab xoogan loogu geystay Maleeshiyada Al-Shabaab sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.
“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle’.
Mar kasta oo ciidanka dawladda Soomaaliyeed ay weeraraan argagixisada Koonfurta Soomaaliya , waxay alshababku u soo baxsadaan buuraha Calmadow, ee gobolka Sanaag oo ay albaabadu u furan yihiin , oo ayna joogin Ciidan Soomaaliyeed ee loo soo tababaray la dagaalanka argagixisada sida kuwo koonfurta iyo Muqdisho jooga oo lagu soo tababaray dalka dibadiisa.
Alshabaabkan ka soo baxsada koonfurta Soomaaliya marka ay dawladdu dagaalka ku qaado degaanada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, ayaa marka ay maalmo joogaan Buuraha Calmadow , si ay dhoolatus ugu sameeyaan bulshada ku nool buuraha Calmadow iyo gobolka Bari oo aan hubaysnayn oo ayna la joogin ciidanka Soomaaliyeed ee caalamku lacagta badan ku bixiyaan si ay ula dagaalamaan argagixisada, waxay ka gaystaan degaanadaas xasuuq ay u gaystaan Bulsho Soomaaliyeed oo aan hubaysnayn oo markii horeba la cunaqabateeyey
Ugu danbaynti, waa talo xumo iyo sharci daro in qaybo ka mid ah Soomaaliya lagula dagaalamo alshabaab , halka degaano kalena loo ogolaado inay u soo baxsadaan oo xasuuq ka gaystaan. Hadii madaxweyne FARMAAJO, ay ka dhab tahay la dagaalanka argagixisada hal mar ayuu Soomaaliya dagaalka alshababka ka wada bilaabi lahaa.
Allsanaag.com