25th October 2024  admin  Category :

Maamulka  Goboleedka Hargeeysa madaxdooda ayaa musuqmaasuqay shaqooyin imtixaan loo galayey taas oo loogu talagalay dhalinyaro horey u diiwaan gashnaa, balse daaqada ayaa laga soo geliyey qaar badan oo aan diiwaan gashaneen kuwaas oo ay isku jifi ay yihiin raga meesha maamula.

Fadeexadan ayaa waxaa ka soo waramay wariyayaal ku sugnaa Hargeeysa kuwaas oo iyagii laftoodii xabsiga loo taxaabay, waxaana xabsiga u taxaabay kuwa wax musuqmaasuqaya oo diidan inaan la oggaan waxa ay qaribayaan.

Hadaba, dhalinyaro badan ayaa ku wajahan Garoowe, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, iyo Baladweeyne kuwaas oo carar ka ah musuqmaasuqa, cadaalad darada, iyo xabsiga is huwan ee ka jira deegaanada maamulka Hargeeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*