22nd October 2024  admin  Category :

Wasiir Cawad oo hortagay guddiga Baarlamaanka ee Arrimaah Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowlada Federalka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta hortagay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyagoo ku kulmay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka isagoo sheegay inay ka mid ahayd warka uu qoray wargeyska New York Times ee la xiriiray qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in wasiirku sheegay in Dowladda Qater ay arintaasi iska fogaysay waxba kama jiraana ku tilmaantay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in arintaas baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kadibna la horkeeno Golaha shacabka si ay go’aan uga qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*