25th October 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixisay Qarixii Galabta Ka dhacay Gobolka Banaadir

Waxaa hada Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Benadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii argigixisada galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*