23rd October 2024  admin  Category :

Deni oo magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweyne Deni oo Sameeyey Wakaaladaha Biyaha iyo Konrontada ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

3. Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*