25th October 2024  admin  Category :

(Jowhar) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan ay Albabada u xiran yihiin waxa uu xerada Xalane kula leeyahay Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo ah mid aan caadi eheyn, waxaa xaadir ku ah inta badan dalalka Safiirada ku leh wadankan, iyadoo Wadamada aan Safaaradaha ku leheynna ay shirka uga qeyb galayaan Qunsulka Safaarada.

Lama oga waxyaabaha rasmiga ah ee shirka diirada lagu saarayo, maadaama Saxaafada ay kulanka dibad jooga ka tahay, kuwaasoo sugaya shir uu u qaban doono Wasiir Cawad oo uu ku faahfaahinayo waxa kulanka uu salka ku hayay.

Balse warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu Wakiilada beesha Caalamka ee dalkan kala hadlayo arrimo ay ka mid tahay iney xiriir toos ah aanay la sameysan maamulka Somaliland oo hore u sheegtay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, wallow wali aaney helin dal aqoonsada.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii waxa ay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Guinea ee dhacda Galbeedka qaarada Afrika, taasoo si hab maamuuskeeda sareeya ay u soo dhaweysay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*