23rd December 2024 admin Category :
Saraakiishii ka soo wareegay SNM ayaa Garowe lagu soo dhpweeyey
Waxaa maanta Caasimadda Puntland si diirran loogu soo dhoweeyey Saraakiishii dhowaan kasoo wareegtey Somaliland iyo guddoomiyihii gobolka iyo ciidamo ay hor kacayaan kuwaas oo dhammaantood Somaliland ugu qornaa Gobolka Sanaag.
Xubno ka kala socda labada gole ee dawladda oo hoggaaminayaan Wasiirada Waxbarashada, Dekedaha, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha gudaha, Ganacsiga iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha ciidamada Daraawiishta Generaal Gorayocawl cuqaal iyo isimo uu ka mid yahay Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo qaybo kamid ah shacabka caasimadda ayaa kusoo dhoweeyey masuuliyiintan duleedka Magaalada.