20th September 2024  admin  Category :

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa.

Wafdigaan uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafdiga uu Wasiir Oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaaniin, Abwaano iyo Masuuliyiin ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Marxuun Abwaan Singub lagu aaso Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Alle Ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badan oo caan ka ah Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*