19th September 2024  admin  Category :

Qurba joogta beelaha USC iyo SNM oo shir uga furmay Turkiga

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya  ; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay shir lagu sheegay qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacaya Magaalada Istaanbuul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan oo soconaya muddo Afar maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-heshiisiinta, ganacsiga iyo arrimaha degaanka BEELAHAAS, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo caqabadaha jira iyo fursadaha laga faa’iidaysan karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay Laba jibbaaraan dowrka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Dalka, ganacsiga iyo horumarinta degaanka.

Shirka qurba joogtaUSC iyo SNM oo ay maal gelisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud  ayaa waxaa ka qeyb gelaya Qurba joogta beelaha USC iyo SNM oo ka kala yimid daafacaha caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*