18th October 2024  admin  Category :

Weftiga Madaxweynaha Puntland oo ku Gulaystey Heshiisyo Kobcinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Magaalooyinka Puntland.

Tongxiang, Juun 05, 2019: Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa ku guulaystey intii ay joogeen dalka Shiinaha heshiisyo kobcinta dhaqaalaha ah iyo horumarinta magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka kaasi waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga.

Dhinaca kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo 
Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo 
qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.

2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ 
Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan 
maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta 
Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic 
Development zone.

Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.

Image may contain: 1 person, sitting and suit
https://scontent-yyz1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/61958223_667100357036821_969448194008154112_n.jpg?_nc_cat=100&_nc_ht=scontent-yyz1-1.xx&oh=8b179435bdb327f25ae7d56343258225&oe=5D8D8C81

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*