18th October 2024  admin  Category :

Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan deegaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal.

U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in maalinta berito ah ay tahay maalinta koowaad ee ciidda kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen Culimaa’udiin iyo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*