18th October 2024  admin  Category :

Inta badan SNMta waxeey dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ka iibiyaan in wax la yiraahdo Soomaaliland la wadda dhistay oo dadka deeggaanada oo dhana ay qeeyb ka ahaayeen, iyagoona tix raac u soo qaato shirar ay sheegeen ineey ka dhaceen Burco iyo Boorame.

Ma jirto wax Soomaaliland la yiraahdo oo la wadda dhistay, waxaana dhab ah in haddii dad is rabbaa ay wax wadda dhisteen aysan ahaateen xaalka sida maanta uu yahay. Tusaale, haddii nin iyo haweeneey ay ku heshiiyaan ineey is guursadaan iyagoo raali iska ah, la mid ma noqon karaan nin iyo naag aan is rabbin oo xoog la isugu guuriyey.

Hadaba, dadku ma ahan in qoraxda oo soo jeeda in la yiraahdo qoraxi maba jirto. Gooni goosadka Soomaaliland waa mid maskaxdooda ay ka timid beesha Isaaq. Haddii ay run sheegayaan hasoo bandhigeen cidda ay la saxiixdeen gooni goosadka ee ka tirsan beelaha kalle ay leeyihiin waxbeey nalla dhisteen. Cali Khaliif oo beesha Isaaq ay sheegi jireen in uu wax ka saxiixay heshiiskaas gooni goosadka ah ayaa sheegay inuusan  waxba ka saxiixin, arrintaasna aysan waxba ka jirin.

Teeda kalle, beelaha kalle ee aan Isaaqa aheen maxaa ku kallifaya ineey gooni goosato noqdaan? Beesha isaaq iyagu doodooda waxa weeyaan in goosashadooda ay ku kalliftay dawladdii Kacaanka oo dad ka dishay, diyaaradana ay ku duqeeyeen.

Waxyaabaha aan waxba ka jirin oo SNMta ay ku doodaan waxaa ka mid ah:

In Soomaaliland ay aheed dawlad caalamka aqoonsanyahay intii aysan la midoobin Soomalida Koonfurta; taas oo ah mid aan waxba ka jirin.

Waxeey yiraahdaan SNMta callan ayaan Koonfur geeynay, balse ma jiro calankaas nooca uu ahaa cid sheegi karta;

Waxeey beesha Isaaq ku doodayaan in Soomaaliland la wada leeyahay lagu dhawaaqay May 18, 1991, loona wadda dhamaa taas oo ah mid aan waxba ka jirin;

Hadaba, ma ahan in lagu xiiqo arrimo aan shaqeeyneen, waxaana habboon in runta waxa ay tahay la abbaaro. Beesha Isaaq haddii ay dawladnimo iyaga u gaar ah ay dooanayaan waa in ay inta dhulka ay ka deggan yihiin ay wax ku raadsadaan ama wax ha ku helleen ama yeeysan ku hellin, May 18na ay gaar u tahay beesha Isaaq, dadka kallena aan waxba ka quseeyn.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*