19th September 2024  admin  Category :

Maxkamada derajada koobaad ee gobolka Nugaal ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 3 eedaysane oo loohaystay Kufsigi & Dilkii Caaisha ilyaas Warsame, Halka Maxkamada Xukuntay inlasiidaayo 7kale oo ladhaariyey

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caasho Ilyaas Aadan.

Waxaana 3 Eedaysane ee kala ah 1.Cabdifataax Cabdirahman Warsame
2.Cabdisalaan Cabdirahman Warsame
3. Cabdishakuur Maxamed Dige 
waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Puntland.

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah.

Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.

Image may contain: one or more people and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*