18th October 2024  admin  Category :

Galmudug oo ku dhawaaqday inuu fashilmay Shirkii Garowe

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii Wadatashiga ee shantii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka, isla markaana hoggaanka dowladda aysan rabin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro arrimaha Masiiriga u ah mustaqbalka dhismaha Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*