18th October 2024  admin  Category :

Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada oo Garoowe Shir Ku Yeeshay

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa shir ku yeeshay wasiirada amniga dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah Soomaaliya.

Shirkaan oo ay Puntland martigelisey ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirada amniga dowladaha Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, walow ay ka maqnaayeen koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo aan qayb ka ahayn wafuudda madaxweynayaasha ee Garoowe ku sugan.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey ammaanka guud ee dowlad goboleedyada, dhismaha ciidanka, wadashaqaynta dhanka ammaanka ah ee dowlad goboleedyada, arrimaha tahriibka, isucelinta dambiilayaasha iyo arrimo kale.

https://youtu.be/ualLRjZk3QA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*