18th October 2024  admin  Category :

Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo NewAGE ayaa ka heshay Gobolka Soomaalida degto ee Itoobiya gaaska dabiiciga ah. Meesha laga hellay gaaskan ayaa u dhaw meel ay sannadkii horre ka heshay shirkad laga leeyahay dalka shiinaha ee Poly GCL.  Gaaskan ay heshay shirkadda Ingiriiska ayaa gaaraya 1.6 trillion cubic feet.

Hadaba, shirkad laga leeyahay dalka Mareeykanka oo lagu magacaabo Greencom ayaa ka codsatay dawladda dalka Itoobiya ineey u iib geeyaan gaaskan la hellay, waxeey kaloo u soo jeediyeen ineey dhisayaan warshad lagu sifeeyo gaaska taas oo loo adeegsan doono qalab casri si gaaska loogu badello waxyaabo badan. Maalgelinta shirkadda Greencom kaga baxaya mashruucaan ayaa dhan 2 bilyan oo doolar.

Sidoo kalle, waxaa horey shidaal ugga helay isla deegaankaas shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly GCL taas oo heshay shidaal gaaraya 4.7 trillion cubic feet, balse shirkadaas oo wadey dadaal ay ku sii ballaarineeyso sahminta shidaalka ayaa haddeer kor u kacay oo ay gaarsiisay 8 Trillion Cubic Feet. Hadaba, hellitaankan cusub ee NewAGE ayaa ka dhigi doonta gobolka Soomaalida ay degto mid ay soo gallaan dhaqaalo badan. Hadaba dalalka ugu horreeya ee soo saara gaaska ayaa kalla ah:

Ruushka 1,688 Trillion Cubic Feet
Iiraan 1187
Qatar 890
Mareeykanka 308
Sacuudiga 288
Turkuministaan 265
Imaaraadka 215
Venisuweela 195
Neyjeeriya 182

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*