23rd October 2024  admin  Category :

Xeer Ilaaliyiha Soomaaliyeed inta uu Xamaaliga Gaari Ximaarka wata u bootaynayo muxuu u arki waayey madaxda Wasaaradda warfaafinta Soomaaliyeed  ee shaqadii Qaranka ee loo xilsaaray  Ha’yado la mid ah kuwiii ay madaxda ka ahaayeen ka hoos furtay su  ay iyagu uga Faa’iidaan

C/Raxmaan Alcadaala waa  Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaalia, wuxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye waana Mulkiilaha Idaacada Kulmiye ee Muqdisho. Waa shirkad warfaafineed oo la mid ah tii uu madaxda ka ahaa

Cismaan Cabdullaahi Guure, Maareeyihii Tiyaatarka qaranka, Fanaaniinta,wacyigelinta, isaguna wuxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye, shirkadan warfaafineed ee   Idaacadda Kulmiye ayuu shiraako ku yahay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, isaguna wuxuu ka soo jeedaa beesha Hawiye,  maalintii Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf iyo Mucaaradkii qabyaaladaysnaa lagu heshiisiinayey Suudaan 2006 wuxuu ahaa Afhayeenkii argagixisada.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Prof. Ibraahim Xasan Caddow, waxaana ku wehliyay Sheekh Axmed Bile, Dr. Max’ed Cabdi, Dr. Daahir Maxamuud Geele, Axmed sheekh C/llaahi, Axmed Cabdi Samad, Sheekh Cusmaan, Khaliif Warsame, C/raxmaan Max’ed Odawaa, C/qaadir Macallin Max’ed, Max’ed Diirshe iyo Sheekh Cumar Axmed Weheliye

Caalamka Caddaaladu ka jirto xafiiskaaga Email ganacsigaaga kuu gaarka ah kama dirsan kartid, Madaxdii Soomaaliyeedna Shirkado ayeey ka hoos furteen xilalkii loo magcaabay.

More generally, conflicts of interest can be defined as any situation in which an individual or corporation (either private or governmental) is in a position to exploit a professional or official capacity in some way for their personal or corporate benefit

Nimankii loo magcaabay inay sharciga ilaaliyaan masaakiinta ayeey ku maqan yihiin.

Muuqaalka hoose waa Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo bahdilaya xamaaligii laga soo qaaday canshuurta gaariga aan xabbadu karin ee uu wato iyo mushahaarka askarta ilaalinaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*