19th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Midnimadda Maakhir ee Gobalada Sanaag Iyo Haylaan oo gaaray degmda Badhan

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon iyo Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Gobalka Sanaag Gen C/laahi Cumar Cashuur Ayaa Ku Soo Dhaweeyay Magaalada Badhan Dr. Awed Hirsi oo ah Guddoomiyaha Midnimadda Maakhir ee Gobalada Sanaag Iyo Haylaan iyo Wafti uu Hogaaminayo.

Sidoo kale waxa soo Dhoweynta ka qayb qaatay masuuliyiinta Heer Gobol iyo heer degmo , Saraakiisha Ciidamada , Cuqaal Guurti Haween iyo Dhallinyaro Weftigan oo uu Hoggaaminayey Dr. Awed Hirsi oo ah Guddoomiyaha Midnimadda Maakhir ee Gobalada Sanaag Iyo Haylaan ayaa ka Mahad celiyey sida diirran ee loo soo Dhoweeyey , Wuxuna Carrabka ku dhiftay in Qurbe joogtu ay diyaar u tahay Difaaca iyo Horumarka Gobollada.

Sidoo Kalena Waxuu Ka Hadlay Daan daansiga iyo Gardarada Qaawan ee Somaliland kusoo qaaday Gobolladan.

Dhanka kale Weftiga ayaa salaan sharaf ugu tegey Suldaanka Guud Ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo isaguna Dhankiisa Weftigan soo dhoweeyey .

Weftiga ayaa maalmaha soo socda shirar kala duwan la yeelan Doona Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada ee Gobalada Sanaag Iyo Haylaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*