28th November 2024 admin Category :
Nabad doon Axmed Siciid Madaxey, waa nabadoon Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Murashaxintii ka soo jeeday beesha Warsangeli ee u tartamayey dhowaan inay ka mid noqddaan Baarlamaanka Puntland, waxa ka mid ahaa Yuusuf Siciid Madaxey , oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Maakhir , kana mid ahaa asaasayaashii wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Dan jire ka soo shaqareeyey Safaarado badan ee Soomaalidu ku lahayd Bariga dhexe iyo Yurub. Wuxuu noqday Gudoomiyihii ugu horeeyey ee baarlamaanka Puntland.
Aqoontaa iyo khibradaas shaqo waxa u dheeraa Danjire Yuusuf in Caaqilka beeshiisu uu yahay ama ahaa walaalkiis AXMED SICIIID MADAXEY.
Nabad doon Axmed Siciid Madaxey, intii tartanku socday iyo caddaalad daraddii uu sameeyey Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan intaan Dhahar laga aadin Garowe . Intaas oo dhan kama uuna hadlin oo warbaahinta laguma arag , lagumana eedayn inuu sameeyey eex, Walaalkiis iyo Murashaxiinta kale isugu mid ayeey ahaayeen, maantana kama mid ah kuwa aaday Hargaysa. Sababtuna waa isaga oo og culayska ay leeyahay ma’suuliyadda uu hayo iyo qoyska uu ka soo jeedo oo ka soo talin jiray degaanadaas. Nabad doonka, walaalkiisa kale wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee beesha Maakhir ku yeelato Dawladdii Kacaanka
Ugu danbayntii gobolka Hayland wuxuu u baahan yahay Suldaan isku xira Bulshada oo ka shaqeeya midnimada Soomaaliya , ee uma baahna mid inta uu dul fariisto Kaare ay beesha Isaaq leeyihiin yiraahda “Dhahar iyo Caynabo waa isugu kay mid “. Nabad doon Axmed, maanta Punrland ayuu ku sugan yahay, halka Isimadii kale ee iyagu is caleemo saaray ee doonayey in baarlamaanka Punland gaystaan argagixiso, Kuwii magaca warsadda Laasqorey bulshada ku dhacay iyo kuwii hubka sharci darada ah ka soo dejin jiray Sanaag ay iyagu ku sugan yihiin Hargaysa oo doonayaan inay amni xumo ka bilaabaan gobolka.
ALLSANAAG.COM