20th September 2024  admin  Category :

Shirka Iskaashiga Caalamiga ee dhanka Kaabayasha Dhaqaalaha oo ka furmay Beijing

Madaxweynaha Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha, Xi Jinping  ayaa maanta oo Jimca ah ka furay magaalada Caasimada Beijing Shir madaxeed ku saabsan ‘Iskaashiga Caalamiga ah ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha , waana mashariic dhismo oo Shiinaha leh, balse dalal badan oo qaaradaha adduunka leh  ka wada-faa’ideysanayaan.

 

Shirka oo soconaya 3-beri,waxaa ka qayb-galaya 37 dal, wakiilo ka kale socda 150 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, ururo caalami ah, waxaana kamida Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters iyo madaxa Sanduuqa lacagta, Christine Legarda iyo madax uu  kamid yahay Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Puttin.

Soomaliya shirka waxa uga qayb-galaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Mareye iyo Wasiirka Qorsheynta, Jamal Maxamedd Xasan.

Qaarada Africa, si gaar ah bariga Africa oo ah meelaha uu mashruuca Shiinaha ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan (Belt and Road Initiatives) ka jira kana faa’ideystay waxaa uga qayb-galaya Madaxweynaha Djibuuti Ismaciil Cumar Geele, Ra’isul- wasaraha Itobiya Abi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo uu wehliyey maanta, Railo Odinga, hogaamiyihii hore ee mucaaradka waddankaasi

Madaxweyne Xi ayaa sheegay in barnaamijkan uu ujeedkiisu yahay  isku-xirka dadyawga,iyo dawladaha, kuna dhisan iskaashi la taaban karo oo ay dhinacyadu kawada faa’ideysanayaan lehna halbeeg caalami ah(International Stardard).

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo khudbeynayey saaka April 26, 2019
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo khudbeynayey saaka April 26, 2019

“Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay inuu dhiso ganacsiga, kaabayasha dhaqalaha kaasi oo albaab u furaya koriimaha dhaqaalaha adduunka, wuxuu sidoo kale sare uu u qaadaya is-dhaafsiga dhaqanka, cilmiga, tiknolajiyada iyo cilmi-baaris  si wadajir ah loo wada sameeyo”, Jinping ayaa sidaa ka yiri shirka.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday 5000 oo ruux oo dalalka barnamijkan ka jira in ay ka caawinayaan tababaro iyo cilmi baaris shanta sano ee soo aadan.

Hogaamiye-yaasha adduunka ee madasha ka hadlay oo dhan ayaa soo dhaweeyey Khudbada madaxweynaha Shiinaha iyo kaalinta Shiinaha ee ku aadan in barnamijkan uu wax ku ool uu u yahay nolosha aadanaha iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha adduunka, iyadoo sidoo kale uga hambalyeyey sannad guurada 70-aad ee aas-aaska Jamhuuriyada Shiinaha Cusub oo sanadkan laga xusi doono.

Barnaamijkan ayaa ah dhismaha waddooyin, boondooyin isku xiro jaziirado kala go’an ama isku xirka deegaano kala go’an iyo khad tareen oo dheeraya kuwaas oo qaar dalal ama qaarado isku gooshaya, iyo biyo xireeno dhaliya koronto,waxaana ay aad wax uga bedeleen nolosha dadka,waxaana ay kordhiyeen dhaqaalaha dalalkaasi sida ay wada qireen Madaxweynayaasha qaarkood sida kan AZerbajan, Aliyev, DJibuti, Gele, kan Kenya, Kenyatta iyo Christine Legarda oo ah Madaxa IMF-ta.

Shirkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah, Madaxweynaha Xi ayaana ku dhawaaqay hindisaha ‘ Belt and Road’ sannadkii  2013, ka sakow dalal ka dhaqan galay ee ka faa’ideystay, waxaa hadda ku soo biiraya oo saxiixaya dalal badan oo Africa, Asiya, Australia, Latin America iyo Europe ah, waxaana u dambeeyey oo saxiixay dalka Talyaniga oo aniga na gumeystay, halka anaga Somaliyana aanu saxiixnay bishii August ee sanadkii hore 2018.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*