20th September 2024  admin  Category :

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo Nairobi kula kulmay Safiirka Mareykanka

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta Nairobi wadajir kula kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Sida ay sheegayaan wararka kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashada 2021 iyo khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in saddexdan Madaxweyne Maamul goboleed ay u gudbiyeen Safiirka Mareykanka ashtako ka dhan ah dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen inay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay dalbadeen sidii loogu ogolaan lahaa barnaamijka la macaamilka gaarka ah oo si toos ah maamuladooda taageerada loo siin lahaa, halkii loogu soo marsiin lahaa dowladda Federaalka.

Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa Nairobi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la leeyihiin Wakiilada Beesha Caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*