22nd December 2024 admin Category :
Dalka Soomaaliya muddooyinkan danbe waxaa ku soo badanayey danbiyada kufsiga la xiriira ee lagula kacayo hablaha Soomaaliyeed, waxaana intaa dheer in marka la kufsado gabadhii hadana la dilayo taas oo ah mid ku cusub dalka Soomaaliya.
Kufsigii ugu danbeeyey ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Garoowe maalintii Arbacada aheed ee aan soo dhaafnay taas oo loo geeystay gabar xaamilo ah oo inta la kufsaday haddana la diley.
Hadaba, kufsiga soo batay ayaa u eg mid gacmo kalle ay ka danbeeyaan sida loo keenay argagixisada dalka Soomaaliya ee maalin kasta xasuuqaya shacabka Soomaaliyeed.
Sida aan wada ognahay Soomaaliya waxaa ku socda dagaal ah in sumcadda laga dillo si caalamka oo dhan sanka looga qabsado, lagana dhigo dalka Soomaaliya tusaalaha ugu xun ee aadanaha loo soo qaato oo ay ka mid tahay ineey Soomaalidu yihiin burcad baddeed, argaggxiso, musuqmaasuqiistayaal, iyo kufsadayaal oo dhaqan iyo diin toona aan laheen.
Hadaba si looga hortago falalka noocaas ah waxaa wannaagsan in la dillo cid kasta oo gabar Soomaaliyeed kufsata, xittaa haddii ay dalka ka soo baxsadaan waa in dalka dibadiisa lagu dillaa.
Qoosaska gabdhahooda loo geesto kufsiga ayeey tahay ineeysan qaadan wax lacag ah taas oo haddii ay qaataan lacag ka dhigeeysa mid hoos u dhigeeysa sharafta gabdhaha Soomaaliyeed, siina dhiiri gallineeysa kuwa illaahay ka furtay ee gabdhaha kufsiga u geeystay.
Allsanaag.com