18th October 2024  admin  Category :

Nin ayaa waxa uu dhalay shan wiil iyo seddex gabdhood. Sidoo kalle, waxa jiray reero kalle oo deris la ahaa ninkaa dhalay shanta wiil iyo seddexda gabdhood.

Ninkaa ayaa carruurtiisa u daddaaley, balse waxeey noqon waayeen sidii uu ka rabey iyaga, Gabdhihii uu dhaleyna waa la wadda guursaday, meesha wiilashiisii afar ka mid ah ay noqdeen kuwo suuqyadaa isaka wareega oo marba meeshii ay saxan bariis ah iyo kiilada qaadka ay ka hellaan maalintaa iska raaca.

Wiilka soo haray ayaa noqday qofka kelliya ee jeclaa inuu dadaalo, noqdana qof isku fillan, balse tallaabooyinkii uu qaadi lahaa oo dhan waxaa hor istaagay duruufo jiray awgood.

Carruurta ay dhalleen reeraha kalle ee derriska la ahaa odayga ayaa noqday dad dadaaley, qaar wax ayeey barteen, meesha qaarna ay ganacsato noqdeen, guud ahaan reerahaas ninka odayga la derriska ahaa waxeey u noolaayeen si sharaf ah, waxeeyna ahaayeen kuwo iyaga la shaxaado.

Odaygii wiilashiisa aan waxba qabsan ayaa murugada inta ay ka badatay sidii uu iskulla hadlayey ama u fakarayey ayaa u ekaaday qof shuban biyood ka soo kacay oo kalle. Nasiib wannaag, wiilkii odayga uu dhalay ee dadaalayey oo ay duruufta ciishay ayaa nin ay saaxiibo ahaayeen deemiyey xoogaa lacag ah taas oo uu ku furay maqaayad.

Maqaayadii ayaa illaahay u barakeeyey, wuxuuna furay seddex maqaaxi oo kalle muddo shan sannadood gudaheeda ah, shan iyo tobban sanno kadibna, wuxuu noqday ninka shannaad ee ugu taajirsan magaalada.

Odaygii ayaa illaahay ugu mahac celliyey guusha uu gaaray wiilkiisa. Hadaba, afartii wiil ee kalle ee uu dhalay odayga ayaa si kasta oo la yeelay beddeli waayey dhaqankoodii xummaa oo waxa ay ku sii socdeen dhabihii ay barteen ee ahaa shaxaadka iyo raacidda hadba meeshii ay ka hellaan wasladda hilibka ah iyo kiilada jaadka.

Odaygii afarta qariban dhalay ayaa yiri, “illaahoow waxaan kaa magan galnay carruur sharaftooda iyo noloshooda siista saxan bariis ah iyo marduuf qaad ah.”

Hadaba, maanta waxaa Soomaaliya ka jira beelo goboladooda iyo deegaanadooda u tashaday kuwaas oo iska diiday ineey reeraha kalle musaskooda ay wareegaan si ay u weeydiistaan saxan bariis ah iyo kiilo jaad ah, iyaga oo illaashanaya sharaftooda.

Waxaana jira sidoo kalle qaar ka mid ah Soomaalida oo sharaftoodii dhammeed siistay saxan bariis ah iyo waslad hilib ah iyo ineey meereeystaan reero muskood. dadka noocaas ah ayaa ah kuwo aan waxba u tareen Islaamka iyo kuwa aan islaamka aheen oo idil. Soomaalidana waxeey tiraahdaa, “Qof soori kaa qaaday, waxaa dhaama mid ay seefi kaa qaaday oo dhintay.” Illaahoow hanaga dhigin kuwo shaxaad ku nool, wareega reero muskood, iibiya ciidooda iyo callankooda iyo dadkooda iyo jifidooda, iyo sharaftooda, si ay u siistaan saxan bariis ah iyo kiilo jaad ah.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*