19th October 2024  admin  Category :

Goodax Bare oo xaqiijiyey cabsidii ahayd in Xildhibanada Soomaaliya qaarkood yihiin Alshabaab iyo SNM

Waxaa maanta foodo iyo buuq kusoo dhamaaday kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen xaruntooda Muqdisho, waxaana kulanka uu noqday mid lagu kala tagay kadib markii Xildhibaanada qaar diideen in kulanka uu furmo

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo sidoo kale ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay foodadii maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka oo horseeday in kulanka lagu kala tago.

Waxa uu sheegay Wasiir Goodax in Xildhibaanadii maanta foodada ka sameeyay kulanka Golaha shacabka ay ahaayeen Wakiilo kooxda Al Shabaab u jooga Baarlamaanka uuna doonayo in uu ku foodeeyo howlaha Baarlamanaka.

”Wakiilo Shabaab ayaa Baarlamaanka soo dhax galay, Shabaabku waxa uu rabay in foodo ka dhacdo Baarlamaanka, waxaana u sahlay dad sheeganaya in Xildhibaano yihiin ficilkooduna Shabaabku u adeego, dadka foodada ku wada waa kuwa Shabaab u shaqeeya oo doonaya in halkan fariin uga diraan, waxaana leeyahay shacabka kuwaas wajiyadooda barta” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*