20th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Maamulka Degmada Waaciye iyo Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay Maamulka degmada Waaciye iyo odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Kulankan uu Madaxweyne Deni la qaatay maamulka degmada Waaciye iyo odayaasha dhaqanka ayaa daaranaa is xogwaraysi guud, dardaaran iyo duco, waxaana ka warbixiyey kulanka duqa degmada Waaciye Isxaaq Cali Xasan

“Soo dhawayn ka dib Madaxweynuhu wuxuu shir la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka shirkaas waxay dadka deegaanku ku sheeganayeen baahida degmada ka jirta wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin balanqaadyadii dowladdii hore ay ka balanqaadeen dadka deegaanka oo marna fuli-waayey, shirka waxaa kaloo looga hadlay ammaanka sidii la iskaga kaashan lahaa shacab iyo dowladba xaaladda biyo la’aanta, waxay kaloo waxgaradku Madaxweynaha u sheegeen in ay dadka deegaanka iskaa wax u qabso degmada ku horumariyeen lana doonayo in gacan lagu siiyo inta dhiman”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*