20th September 2024  admin  Category :

Waxa maanta magaalada Bosaaso lagu dhaawacay labo WIIL  oo dhalinyaro ah, oo ka soo jeeda Beesha Axmed Harti .

Dhalinyaradan la dhaawacay ayaa ku sugnaa goob meherad shaaha laga cabo,iyadoona ragii dhalintan dhaawacay ay goobta ka baxsadeen.

Dhalinyaradan la dhaawacay ayaa waxa lagu kala magacaabaa
C/Laahi Siciid Barre iyo Faarax Abshir,waxana soo hagaagaysa xaalada caafimaad ee labadan dhalinyarada ah.

Magaalada Bosaaso ayaa mudooyinkan dame ka nasatay dilal aan kala joogsi lahayn,kuwaas oo aan horey magaalada uga dhici jirin.

Dhaawaca loo geystay labadan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Puntland uu kusoo Wajahan yahay Maalinta Berito ah Magaalada Bosaaso,isagoona kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee Magaalada Bosaaso ku dhaqan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*