19th September 2024  admin  Category :

Deni oo magaaladii uu ka soo jeeday   ka sameeyey dhagax dhig iyo xadhig Jar

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka sameeyey magaalada uu ka soo jeedo ee Qardho, xarunta gobolka KarKaar dhagax dhig iyo xadhig Jar  Qardho ee xarunta gobolka KarKaar

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn xadhigga ka jaray aargo ay si isku-tashi ah u hirgeliyeen ururka horumarinta degmada Qardho, ururka ayaa waxa ku midaysan dhallinyaro joogta dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba, waxaana ay tani qayb ka tahay horumarinta, bilicda iyo hindisaha dhallinyarada degmada Qardho.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Xadhigga ka jaray qaybta Saalada qalliinta (Qaybta Qallinka) oo lagu soo kordhiyey cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kormeeray qaybaha kale ee uu ka kooban yahay cisbitaalku. Munaasibadda kooban oo loosameeyey xarig jarka qaybtani cusub ayaa waxaa shahaado lagu guddoonsiiyey shirkadda Tanaad oo si mutadawacnimo ah u dhistay qaybtani.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa xarunta gobolka Karkaar ka dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinayo Xerada Xorgoble ee ciidanka daraawiishta Puntland, taasi oo lagu soo kordhindoono dhismeyaal dhaxal gal ah oo ay mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ku faa’iididoonaan ciidamada Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay waddo maamo oo 2KM ah ka dhagax dhigay degmada Qardho, taasi isku xidhidoonta xabsiga weyn, xerada Xorgoble iyo magaalada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*