24th October 2024  admin  Category :

Al-Shabaab oo dagaal xooggan ku qabsatay Balcad

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa caawa la wareegay degmada Balcad, kaddib markii ay dhowr jiho ka weerareen.

Sida wararka sheegayaan Al-Shabaab ayaa qabsaday saldhigga Booliska iyo xarunta degmada, iyadoo ciidamadii dowladda ay isaga baxeen oo ay dhanka Warshada Dharka Balcad u tallaabeen.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sii daayeen maxaabiistii ku xirneyd saldhigga Booliska, waxaana weli gudaha magaalada ka socota rasaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa degmada Balcad ka soo galay labo jiho oo kala ah wadada jaayga ee ka timaada Afgooye iyo wadada laamiga ee Jowhar aada

Qof ku sugan degmada Balcad oo la hadlay Jowhar.com ayaa sheegaya in dagaalyahano fara badan ay gudaha u soo galeen degmada, kuna dhawaaqayeen Allaahu Akbar.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in diyaarado ay dul heehaabayaan degmada, lana maqlayo guuxooda, illaa iyo hada lama soo sheegin wax duqeyn ah.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha dagaalka uu geystay, inkastoo ay Shabaabka cagta soo mariyeen fariisimihii ay ku lahaayeen ciidanka dowladda duleedka Balcad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*