18th October 2024  admin  Category :

Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Guddi isagoo markale tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxarisitee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiirada Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*