24th October 2024  admin  Category :

Damuljadiid iyo Deni oo ku shiraya Huteel Eyl ee magaalada Garowe

Haddii Deni ka cusumay Garowe  Damuljadiid maxaa u diidaya madaxweyne Farmaajo  inuu dhiiri geliyo  in Sool iyo Sanaag ay  maamul samaystaan, Madaxweynaa Cusb ee Puntland Siciid Deni, gelinka hore ee maalinta qof ka soo jeeda beeshiisa ayuu xil u magcaabayaa, galinka danbe ee maalintaasna isaga iyo Damuljadiid ayaa ku shiraya Huteelada Garowe, si madaxweyne Farmaajo loo curyaamiyo.

Hadaba beelaha Puntland ma kula socdaan in madaxweynaha Soomaaliya loogu  dabro Damuljadiid, oo mustaqbalka Raisulwasaaruhu u noqdo nin ka soo jeeda beesha Siciid Deni.

Sanbaloolshe oo aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow  kana tirsan kooxda Dam Jadiid ayaa madaxtooyada Puntland waxay dejisay Eyl Palace Hotel, sida ay ogaatay warbaahinta Puntland.

Sanbaloolshe ayaa Garowe u yimid isku xir isbahaysi mucaarad oo kan ah dawladda Federaalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay kooxda Dam Jadiid.

Shirkii lagu balamay inuu Garowe ka qabsoomo 20ka bishan maarso ayaa u muuqda mid baaqday kadib markii uu Madaxweyni Deni bilaabay abaabulka iyo isku xirka mucaaradka madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kahyre.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*