19th September 2024  admin  Category :

Mashaariicdii Ururka Iskaashiga Islaamka oo la musuqmaasuqay

Mashaariicda uu Soomaaliya ka waday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa six un loo mamaulay. Sida uu ogaaday Galka Baarista mashaariic ku kacayey $6.6 milyan oo ayaan hirgelin ilaa haatan in ka badan 5 sano kadib markii la bilaabay.

Galka Baarista waxa kale oo uu ogaaday in mashaariicda la musuqmaasuqay ee OIC ay qayb ka ahaayeen barnaamijyada horumarinta Soomaaliya oo ay maalgeliyeen hay’ado samafal oo laga leeyahay dalka Sucuudiga kuwaasi oo bixiyey $72 milyan oo dollar si mashaariicdaas oo lahaa saddex weji looga hirgeliyo Soomaaliya.

Baaritaan gudaha ah oo uu sameeyey OIC waxaa eedaymo loo jeediyey Madaxii xafiiska OIC ee Soomaaliya Maxamed Iidle Sabriye iyo Madaxii Arirmaha Bani’aadminnimada ee OIC oo fadhigiisu yahay Jeddah Rami Inshasi. Labadaasi sarkaal ayaa midna la cayriyey kan kalana shaqadii laga wareejiyey.

OIC waxay qirteen in mashaariicdooda Soomaaliya six un loo maamulay, waxayse sheegeen inay isbeddello ku samaynayaan xafiiskooda Soomaaliya.

Waa kan Haaruun Macruuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*