![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2019/01/50549168_2254300381554710_6624620130728935424_n-624x351.jpg)
5th February 2025 admin Category :
Inaa Lilaahi Wa’inaa Ilaah Rajicoon Geeridu waa xaq.
Aniga oo ah Guure Ibrahim Uunlaaye, Waxaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyadeenayaa geerida ku timid halyeey Soomaaliyeed oo magaalada Nairobi ku geeriyooday, Halgamaa Maxamud Yusuf Aden “Muuro” oo kamid ahaa halgama yaashii Soomaaliyeed in badan u hurey.
Intuusan dhiman ayaan nasiib u yeeshay in aan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kula Kulmo halgamaaga Soomaaliyeed oo u qaatay cirbad sun ah jiritaanka soomaaliya. Marxuum Maxamud Yusuf Aden “Muuro” ayaa iiga sheekeeyey xornimo u dirirkii iyo sababta keentay in uu iska dhigo AUN C/llaahi Ciise uu islamarkaana cirbada sunta ah u qaatay.
Halgamaa muuro ayaa wuxuu ii sheegay 28-10-1948dii AUN C/llaahi Ciise wuxuu ka dhoofay dalk si uu uga qaybgalo shir ka dhacayey Paris gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaasi oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya.
Isticmaarkii Ingiriiska wuxuu ugu talagalay in uu ku mudo Talaal sun ah AUN C/llaahi Ciise Maxamuud oo ahaa hogaamiye soomaaliyeed oo xorinimo u dirir ahaay waxaa C/llaahi Ciise iska dhigay oo run ahaantiina ay isku suuro ekaayeen Marxuum: Maxamud Yuusuf Aadan Muuro oo cirbadii talaalka ee sunta aheeyd lagu duray wuxuuna ka dhaxlay cirbadaasi xanuun uu sariir u saarnaa waqti badan Marxuum: Maxamud Yusuf Muuro wuxuu cirbadaasi sunta ah u qaatay in uu badbaadiyo qaranimada iyo madax-banaanida soomaaliya.
Maalinimadii shalay ayuu ku geeriyooday Guriga uu ka deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maalinimada bari ah ayaa lagu aasidoonaa qabuuraha laangaata illahayoow u naxariiso Marxuum Maxamuud Yusuf Aden illahoow Janatul Fardowsa Ka Waraabi dhamaan Ummada Soomaaliyeed Samir iyo Imaan allaha ka siiyo illaheey qabriga ha u waasiciyo Aamin.
Gure Ibrahim Unalaue.