25th October 2024  admin  Category :

Isbadalkii ka dhacay Itoobiya wuxuu dhan horseeday xoriyatul qawl iyo furfurnaan dhinaca kalana wuxuu sababay in qoomiyada Oromada ku hafato xoriyatu qawlkii iyo dabacsanaantii laga dhaxlay isbadalka.Waxa ay muda yar gudaheed weeraro isdaba joog ah ku qaadeen qoomiyadihii deriska la ahaa sida Soomaalida,Axmaarada,Benishangul Gumuz iyo ugu dambeyn Herariyiintii.Weeraradan oo ahaa kuwa abaabulan waxaa ku daatay dhiig badan marka laga reebo kan ay ku qaadeen magaalada qadiimiga ah ee Herar oo ay calnkoodii sudheen.Hab dhaqanka Oromadu waa gardaro qarab og meel looga dacwoodana majirto hadii ay jirtana waa garoowsha la’aan.Ilaa iyo hada weeraradii Oromadu ku qaadeen Mooyaale iyo Tulli Guuleed cid loo qabtay maynaan maqal.

Iska daa in dowlada federaalku wax ka qabatee waxaa xabsi loo taxaabay masuuliyiintii maamulka Benishangul Gumuz ee isku dayay inay iska difaacaan weerarkii Oromadu ku qaadeen magaalada Assosa.Booliska Federaalka ayaa xidhay 5 masuul oo katirsan maamulka Benishabgul Gumuz oo ay kujiraan madaxweyne kuxigeenkii Dowlada Deegaanka Benishangul Gumuz,hogaankii nabad gelyada,maayarkii magaalada Assosa iyo laba xubnood oo kale.Xubnahan ayaa lagu eedeeyay hurinta colaadii ka dhextaagan labada qoomiyadood.Su’aasha in la isweydiiyo mudan ayaa ah maxaa masuuliyiintii kililka Oromadana ee rabshadaha ku lug lahaa loo soo xidhi waayey oo hal dhinac oo kaliya loo xidh xidhay ileen rabshidihii dhacay mid laba geesood ah ayay ahaayeene mise masuuliyiinta Oromadu xiligan sharci ma qabto.Hadii Oromadan yaacaysa sharciga lagu soo dabaali waayo waxaa suurtagal ah in saraynta sharcigu burburto oo ay dhacdo ninkii roon reerka ha uhadho(survival of the fittest)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*