30th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Xasilinta Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku magacaabay xeer Madaxweyne Lr 150 14 Oct 2018 taliye xigeenka Xasilinta Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.
 
Markuu arkay; Dastuurka Dowladda Puntland.
 
Markuu arkay; Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo.
 
Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta guddoomiyaha gobolka Nugaal.
 
Wuxuu Xeeriyey.
 
1. Waxaan G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliye Xigeenka Xasilinta Caasimadda Dowladda Puntland.
 
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
 
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*