29th November 2024  admin  Category :

Guddiga Ilaalinta Xaalufka G/Sanaag oo markale Howlgalo samaysay.(Warbixin)

Wefti Odayaal dhaqameeda,Guddiga Ilaalinta Xaalufka Buurah Dhulka Barakaysan Ee G/Sanaag Calmadow oo uu Hogaaminayo Caaqil C/salaan Cali Muuse shire (Saalaxwaadi) ayaa markale dib uga howlgalay Buuraha Silsilada Golis oo si Qarsoodi ah looga shido dhuxusha iyo dhirta Qayan Ee dhamaska.

Guddiga oo fulinaya sharciga Iyo waajibaadka Shaqo Ee Saaran ayaa ka howlgalay Degaanada Buuraha Casha Sare Iyo kuwa Macageed ‘Waxaana go,aankani ka soo baxay Guud ahaan Guurtida Gobolada Sanaag Iyo Haylnd. Ciidanka ilaalada Degaanka ayaa ah dhaliyaro is xilqaantay oo aan Ciidan dowladeed ahayn Madaama Degaankaas aaney Ciidanka Puntlnd Isku halaynkarin oo lugu tuhunsanyahay Xogaga Shabaab oo dagaal kula jira Puntlnd.

Odayaasha iyo Guddiga ka shaqaynaya Degaanka Waxay leeyihiin Awood buuxda oo madax-banaani dhulkan lagaga shaqaynayo ah manajirto wax Caqabado ah oo Xaalufka degaanka hortagan. Howlgalkan ayaa socon doona Mudo 10Casho ah ‘Iyadoo cidii lugu helo fal denbiyeed noocana uu mutaysanayo Ciqaab Xadhiga Iyo Ganaax lacageed sida ku cad Xeer Ciqabeedka Beelahan uga degsan denbiyada degaanka. Dhinaca kale 2dii Maalmood Ee u dameyey Roobabkii dayrta ayaa ka curtay Degaanada Macageed Ee Tulooyinka’Hadhweyn’Xamur ‘ Milxo Degaanada kale Ee Casha fog iyo Buuraha Macageed Ee dhanka Celaayo iyo Cadcado.

Tarhriib waa tala xumaan
Tacliintaadii ha lumin
Khasaar tacabkii ha gelin
Midii tirtay inama badan
Hablaha tacadiga badee
Tisqaad wiilkii ahaa
Ku tuurtay halkaa ogayd

Bacaadka adaa istuba
Misana tala xuma noqdee
Tamooti lagaa dhigaa
Tub qaldan baa kuu sawiran
Tiraab baas baa ku hodi
Tilmaan shaydaan wad wado
Waxbaa ku tusaaya baas

Intee tegay waalidkeen
Tol laa ay markay maqleen

Xabaalaha tuunsaneey
Intee maalkii tirtiray
Waxay hayeen taajka dhigay
Dabayl tuban oo wax hayn

Intee dugsiyada ka tegay
Dilaal kala tuurayoo
Ku xiran xabsiyada turkiga
Intee laga toogtay meel
Misana tiir lagu kir xiray
Sidii xayawaan la tiray

Intee toray lagu dhuftoo
Badwaynta ku fuurtay taal
Oo hilbihii bahal kala tirsaday

Intee yurub tegay wax hayn
Gidaara ku tirsanoo
Fekera oo tareena gala

Intee ka xishooday tegis
U laabasho ii hurayn
Ay kalsoonidii kala tageen

Mansada tahriib waa talo xumaan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*