30th April 2024  admin  Category :

Nibiriga  badda ku jira oo 16 cisho  dusha ku siday   Qaalin ay dhashay  oo dhimatay

Hooyo Nibbiri ah ayaa ishu qabatay bishii Julay 26keedii,   iyada oo dusha ku sida ilma ay dhashay oo dhintay xeebta Jasiiradda Vancouver  ee dalka Canada

Cilmi baarayaal ku takhasusay Cilmiga Badda iyo xayawaankan oo isha ku hayey dhaqdhaqaaqiisa ayaa sheegay inay Arbacadii oo bishu ahayd sagaal  ay arkeen mar kale  Hooyaddii Nebiriga ahayd  oo weli ilmihii dusha ku sida

Saynisyahanada ayaa sheegay inay horay u arkeen oo ay caadi ahayd in Nibbirigu marka uu ilmuhu ka dhintaan  ay hooyada dusha ku qaadi jirtay Asbuuc. Hase ahaatee hooyadabi Rekoorkii ayeey jebisay

” Laga yaabee in sidan tahay sid u gaarka ah oo ay yeeshay markii  ilmihii  hore  ka dhintay. Waxa laga yaabaa in tobonkii sano ee  ina soo dhaafay ay labo Caruur ah wayday. Waa masiibo in Xayaawanki ay waayaan Caruurtooda”  , Waana dhacaysaa inay waayaan tiro aan hore u dhici jirin” sidaa waxa yidhi Saynis yahanka  weyn Ken Balcomb, oo u shaqeeya Centre for Whale Research, which studies the Southern Resident whale population.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*