24th November 2024  admin  Category :

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Ku Ridey Rag Katirsanaa Daacish.

Maxkamadda Darajada Koowaad Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riday Laba nin oo ka tirsanaa Ururka Daacish qeybta ka hawlgasha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa waxa ay horey u soo saartay dhawr fadhi oo heerarka maxkamadeynta Labadan Sarkaal la xiriira, kuwaasi oo muddo ka tirsanaa Kooxda Daacish, ayna ku daba jireen ciidamada ammaanka.

Mahad Maxamuud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa loo heystay in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox Daacish ah kuwaasi oo ka hawlgeli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeya Daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabduqaadir Muumin

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame (Dr. Raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Sarkaalka Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada sarkaal ee ka tirsanaa Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*