24th October 2024  admin  Category :

Culimada Xaafadaha  Muqdisho oo Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay Arrimaha ka jira Xajka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Guddiga Sare ee Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladaha amniga iyo sidii Culimada uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo ka hortagga fikradaha xagjirnimada.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimadii la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa saxaafadda uga warbixiyay kulankooda iyo waxyaabihii ay kala hadleen.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kala hadleen arrimaha xajka iyo sidii dowladdu u fududeyn laheyd.

“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha is weydaarsanay talooyin badan, waxaa kala hadalnay arrinta Xajka in sida ugu fiican lagu xalin karo, sidoo kale waxaa la wadaagnay cabashada bulshada, runtii Ra’iisul Wasaaraha aad ayuu nooga qanciyay, wuxuuna balan-qaaday waxyaabo badan oo laga cabanayo wax laga qaban doono”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Muran iyo is qab qabsi ayaa ka jiray muddooyinkii u dambeeyay arrimaha Xajka, gaar ahaan arrinta shirkadaha diyaaradaha iyo qiimaha xajka ee sanadkan oo horay dowladda go’aan uga soo saartay, waxaana muranka iyo jahwareerka xilligan ka taagan arrimaha xajka uu saameyn ku yeeshay waqtigii la diyaarinayay viisaha xajka inuu dib u dhaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*