25th October 2024  admin  Category :

Kulan looga hadlayey bililiqada  Kheyraadka dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlyay bililiqada  kheyraadka dalka sida shidaalka iyo macdanta, ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana  goob joog ka ahaa Wasiirka ,Wasiir ku xiggeenka Batroolka iyo Macdanta  Soomaaliya iyo Wafdi ka socday Dowladda Norway.

Kulanka oo ku saabsanaa boggaadin ay wafdi ka socda Norway u wadeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  Soomaaliya oo ahayd wajiga labaad ee qorshaha diyaarinta kharyaadka shdiaalka iyo Macdanta ay u gudubtay,  ayaa siinayo dalka awoodo qeexeysa  taageerada  caalamiga ah.

Madaxda Wasaaradda,  ayaa kaga mahad celiyay dowladda Norway boggaadinteeda iyo taageerada ay u muujinayso Soomaaliya, Waxaana dowladda Norway ay sheegeen in ay diyaar u yahiin in  caawinaad wanaagsan ay la garab istaagayaan Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Hilaal,  ayaa kulanka ka dib u sharaxay warbaahinta Qaranka , ayaa sheegay in ka faa’iideysiga Kheyraadka dalka ahmiyad ballaaran ay u leedahay dalka.

“Waxaan u gudubnay wajiga labaad ee qorsheynta ka faa’iideysiga khayraadka, taasoo ahmiyad wayn u leh dalka, waxaan wadnaa diyaarinta Siyaasadda qorshaha qeybsiga khayraadka iyo ka faa”iideysiga kharyaadka dalka”  ayuu yiri Mudane Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal

Horraantii bishii juun sanadkaan, ayee aheyd markii lagu heshiiyay qeybsiga kharyaadka dalka,  taasi oo waji cusub u furtay siddii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi  ee dalka iyo hanaanka khayraadka u noqan lahaa mid  macaanidiisa dalka uu  ka faa’iideysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*