23rd October 2024  admin  Category :

Ra’isul wasaare Kheyre  iyo wasiirkii arimaha  Diinta  oo isku afgaran waayey lacagihii tirada badnaa ee laga qadi jiray Xujayda Soomaaliyeed jeebka ay ku dhacayso

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa akhriyay  digreetada xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Xuseen,wuxuuna sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

” Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo taariikhdu ay tahay 9-ka bisha Luulyo sanadka 2018-ka,waxaa xilkii Wasiirnimada looga qaaday Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen,waxaa xilkaasi kusime ka ahaan doona Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir waana Mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbaahinta Dowladda ka Akhriyay digreetada Xilka ka qaadista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*