23rd October 2024  admin  Category :

Dhalinyaro Been loo sheegay oo la geeyey magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhalinyaro ka soo kala jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, una badan beesha Garaad Cabdale ee Warsangeli  iyo Naalayo Axmed, Dhulbahante  ayaa inta been loo sheegay laguna yiri waxaad noqonaysaan nabad ilaaliyaal kala  dhex galaya  beelaha  ku dagaalamaya Ceel afweyn ayaa markii laysugu geeyey Ceerigaabo, waxa loo qaaday magaalada Tukaraq ee gobolka Sool si safka hore ee xabbadu ka soo dhacayso laysaga   dhigo,

Dhalinyaradan ayaa qaarkood caga cad yihiin, intooda badan ma laha tababar ciidan, waxa qura oo markii hore loo balan qaaday ayaa waxay ahayd lacag iyo qori. Kuwo ka mid ah maanta ayaa la barayey sida xabadda loo rido

Goob joogayaal ku sugan  degaanka Gabadhe ee gobolka Sool  oo nala soo xiriiray waa ka dayriyeen duruufaha Dhalinyaradan, sidaas awgeed qof kasta uu Wiilkiisa, walaalkiis, iyo Ina adeerkii maqan yahay, oo gobolka Sanaag laga kaxaystay waa inuu si deg deg ah ugu soo celiyaa degaankiisa inta aan dhib la gaarsiin

Nimankii falkan sameeyey oo wiilasha beenta u sheegay una kaxeeyey caruurtooda in xabadda laysaga dhigo waa la wada ogyahay waa in iyagana lala xisaabtamaa oo qaarkood meelaha sharciga lagu kalo baxo  maxkamad lagu saaraa

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*