23rd October 2024  admin  Category :

Beelaha dega gobolka  Bari beesha Dubays kama mid aha miyaa?

Labo sano ka hor Ciidan la doonayey in laga  qoro degaanka Galgala , oo gaarayey ilaa  200 Askari  si ay ula dagaalamaan alshabaabka buuraha Calmadow ku dhuumaalaysanaya  , waxa hor istagay oo diiday in la qoro ciidamadaas beelo ka mid ah beelaha dega gobolka Bari, Sababna waxay uga dhigeen markii ay madaxweynaha Puntland ugu tageen Garowe inaanay doonayn in beesha Dubays lagu hubeeyo.

Kooxdii ka socotay beelaha gobolka Bari, arintaa waa ku guulaysteen oo iyaga ayaa maanta hubaysan, welina alshabaabkii  Buuraha Calmadow waa ku jiraan.Ciidana lama qorin

Saldhigyada Booliiska ee degmada Boosaaso , saldhiga qura oo taliyaha Xukumaa uuna hal  gaari uu ku socdo lahayn   ee lugeeya waa taliyaha  saldhiga booliiska Baalade oo ka soo jeeda galbeedka gobolka Bari.

Taliyaha saldhiga  dhexe iyo taliyaha qaybta  gobolka Bari midkiiba afar Toyota Hilux oo kala midab ah ayuu ku socdaa!!!!. Waxaana lagu helay la dagaalanka alshabaabka buuraha Calmadow

Odayaashii beelaha Gobolka Bari,  oo horay u diiday in la qoro Ciidan la dagaalama alshabaabka ayaa maantana hor istaagay in Guddiga amniga degmada Boosaaso  lagu soo daro siyaasiyiin ka soo jeeda galbeedka  gobolka Bari. Guddi dhowaan  la magcaabay ayaa  intOODA badan beelaha reer Barigu  ku dhan yihiin, laakiinse laga reebay  beesha Dubays oo degaan weyn ka degta gobolka Bari.  Guddigan ayaa  gudoomiye  looga dhigay Wasiirka Kaluumaysiga Puntland oo ka soo jeeda beesha Leelkase.

Madaxweynaha Puntland Abdiweli Gaas oo gudi u saaray ka shaqaynta amniga Boosaaso

1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda {Gudoomiye}

2: Saciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo gadiidka badad {Xubin}

3: Maxamed Faarax Beeldaaje Wasiirudawlaha Maaliyada {Xubin}

4: Cabdirisaaq Nuur Cumar  Wasiir ku xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda {Xubin}

5: Admiral Cabdirasaaq Diiriye Faarax Taliyaha ciidamada Badda puntland  {Xubin}

6: bdixakiim Yuusuf xuseen Taliyaha qaybta gobolka Bari{Xubin}

7: neraal Asad Cismaan Cabdilaahi Agaasimaha PSF {Xubin}

8: Adisalaan Bashiir duqa degmada Boosaaso {Xubin}

9: Yuuf Maxamed Wacays gudoomiyaha Gobolka Bar{Xubin}

Siyaasiyiin ka soo jeeda Galgala inaan lagu soo darin guddiga amniga gobolka Bari oo lagu soo daro siyaasiyiin ka soo jeeda degmada  Galdogob, in aan ciidan  laga qorin galbeedka  qobolka Bari, in xildhibaan ka soo jeeda galbeedka gobolka Bari uuna ka mid ahayn dawladda Puntland iyo federaalka, in xildhibaanada golaha degaanka galbeedka Bari iyo Xildhibaanda ka soo gobolka Nugaal ay isku tiro yihiin golaha degaanka Boosaaso  waxa keenay oo sabab u ah waa Isimada galbeedka gobolka Bari. WAXAYNU SUGNAA WAA BEELDAAJAHA IYO UGAASKA SOO SOCDA DEGAANKA LAGU CALEEMO SAARI DOONO OO MAANTA KA MID AH GALBEEDKA GOBOLKA BARI.

Ugu danbayntii inta dawladda Puntland ay beelo gaar ah u soo magcaabayso duqa Boosaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari, Kuwa la soo magcaabaana ay galbeedka gobolka Bari u haystaan inuu ka tirsan yahay gobolka Sanaag wax isbedel ahi ma imanayo . Isbedel wuxuu ku imanayaa oo qura in aan laga qayb gelin waxna lagu darsan golaha degaanka Boosaaso oo dhowaan la soo xulayo iyo in cadowga kowaad ee degaanka laga dhigo alshabaab iyo kuwa taageera oo magacyada badan leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*