25th October 2024  admin  Category :

Muuse Biixi, oo ah hoggaamiyaha SNMta, ayaa shir jaraa’id uu qabtay shalay waxaa laga dheehan karay inuu ahaa mid uu ku dhaliilayo is hortaaga dawladda federaalka ay ku hor istaagtay heshiiskii DP World iyo welliba dacwadii ay dawladda federaalka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo ku aadaneed faragellinta ay dawladda Imaaraadka ku heeyso madaxbanaanida iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Maamulka Hargeeysa ayaa u muuqda mid markan wajahaya xaqiiqada dhabta ah, waxaana ay arkeen in marnaba aysan is dhinac taagi karin Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo ah mid laga aqoonsanyahay caalamka oo dhan. Waxaana muuqata in hadlka Muusa biixi ee shalay iyo kii uu ku hadlayey laba isbuuc ka hor ay yihiin laba kalla duwan oo ay u dhaxeeyso farqi aad u weeyn, hadalkii shalayna wuxuu sawirayaa in heshiiskii ay wada galleen iyaga iyo DP World uu u egyahay mid aan sii socon doonin.

Hadaba, siyaasiyiinta SNMta oo inta badan aqoonsiga ka raadiya meelo aan ku habbooneen ayaa iska dhaadhiciyey in heshiiskii ay la galleen DP World uu ahaa mid u soo dhaweenaya aqoonsi caalami ah, laakiin waxaa dhab ah in heshiiskaas ay la galleen siyaasiyiinta SNMta shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World uusan noqon karin mid waafaqsan sharciga caalamiga ah maadaama maamulka Hargeeysa aysan jirin cid u aqoonsan ineey yihiin dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kalle, ayna sharci darro tahay in dawladda federaalka loo gacan dhaafo xudduudaha dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaas waxaa si toos ah ugga horyimid Dawladda Federaalka oo u aragtay in Imaaraadka uu u gacan dhaafay gobol ka mid ah dalka Soomaaliya kaasoo ah mid iskiis isku calleemo saaray oo aan cidina ictiraafsaneen. Hase ahaatee, Imaaraadka iyo maamulka Hargeeysa ayaa ku adkeeystay in heshiiskii ay wada galleen labada dhinac uu ahaa mid aan waxba laga weeydiineen dawladda federaalka ee Soomaaliya uuna ahaa mid sharciga waafaqsan.

Balse gacan dhaafka Imaaraadka wuxuu sababay in dawladda federaalka ay u gudbiso cabasho Ururka Jaamacadda Carabta iyo welliba Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si Imaaraadka ay u joojisay faragellinta ay ku heeyso madaxbannaanida dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kalle go’aan lagaga mamnuucayo DP World gaaray Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya taas oo ah mid lagu diidanyahay faragellinta qaawan ee Imaaraadka ka waddo dalka Soomaaliya.

Gabagabadii, hadalkii shalay ka soo yeeray hoggaamiyaha SNMtana, Muuse Biixi, ayaa ahaa mid laga dheehan karay jahwareer iyo cambaareen ku aadan tallaabooyinkii ay dawladda federaalka ay qaaday taas oo looga soo horjeeday heshiiskii ay wada galleen iyaga iyo DP World, heshiiskii ay wada galleen DP World iyo Maamulka Hargeeysana waa mid u eg mid aan sii socon doonin.

https://youtu.be/ycYS1yhDYoc

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*