19th May 2024  admin  Category :

Saraakiisha dowladda  Puntland ayaa sheegay howlgal ay ka sameeyeen ciidamada Buuraleyda degaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow Puntland ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in muddadii uu howlgalku socday ciidamadu dileen dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana ay gaarsiiyeen dhaawacyo.

Waxaa kaloo ay intaa ku dareen in ay gacanta ku soo dhigeen laba Maxbuus oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Boosaaso.

Hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada PSF-ta Puntland wadaan ayay saraakiishu sheegeen inay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sawirka PSF.

Sawirka PSF.

Sawirka PSF.

Sawirka PSF.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*