23rd October 2024  admin  Category :

Dalka Guatemala oo maalinta Isniinta ku dhawaaqay inay safaaradooda u rarayaan magaalada Qudus, ayaa hadda waxay ka cabsi qabaan  Cuna qabatayn saamayn doonta  45, 000 oo Beeralaydooda ah.

Dalka Guatemala ayaa wadamada Carabta iyo dalal Muslim ah,  sanad walba waxay u soo  soo diraan  Heelka lagu darsado qaar ka mid ah Cuntooyinka Carbeed,  Shaaha iyo Qaxwaha, waxayna ka helaan lacag gaaraysa $300 million.

Iskaashatooyinta dhoofinta wax soo saarka dalka  Guatemala ayaa warqad u qoray wasaaradda arimaha dibada dalkaas ay ka codsanayaan inay laga laabo go’aankii caasimadooda ee  la gayn lahaa Qudus, si ay uga badbaadaan Cunaqabataynta

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Edward Stein, ayaa digniin ka soo saaray in cunaqabataynta Haylku ay saamayn doonto 45,000 oo Beeralayda dalkiisa ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*