23rd December 2024 admin Category :
Ma jiraa Siyaasi Soomaaliyeed oo Masaajid buuxa iyo imaamkooda ay hal mar u wada ilmayn lahaayeen
Shalay oo bishu ahayd Monday , October 31, 2017, salaadaa Duhur ka dib, markii Imaamka Masaajidka Khaalid Bin waleed ee magaalada Toronto, uu bilabaabay in Bulshada Muslimiinta ah ee salaadda Duhur ku tukatay Masaajidka uu u sheego in Maydka Cawad Casharo Masaajidka yaalo oo aynu ku tukanayno. Sheikh Abukar Sh. Hussein, Imaamka Masjidka Khaalid Bin Walid ee Toronto, markii uu bilaabay magaca Cawad Casharo wuxuu bilaabay oohin kaga wada ilmaysiisay dhamaan Muslimiintii masaajidka ku sugnayd. Sheekha oo qiiro iyo jacayl uu u qabay Cawad Casharo ka muuqatay, ayaa cabaar ka dib Muslimiintii Masaajidka joogtay u sheegay in 30 sano ka hor isaga iyo dhalinyaro kale oo ku cusubaa dalka canada inay Allah ha u naxariiste Cawad Casharo kula kulmeen Masaajidka Jaamac ee magaalada Toronto, uuna Cawad Casharo siiyey talo ahayd in Soomaalidii dalka uga soo horaysay oo kharibnayd iska ilaaliyaan inay la saaxiibaan, oo la saaxiibaan kuwooda fiican isaga oo u sheegay.
Arinta kale oo aad ku ogaan kartaa qofka uu ahaa Allah u naxariistee Cawad Casharo . Maalmihii ugu danbaysay noloshiisa ayaa nin oday ah oo jaaliyadda Toronto ka mid ah ayaa waydiiyey su’aal ka mid ahayd dardaarankii oo hayd . ” ADIGU CID LACAG MA KU LEEDAHAY” Jawaabtii Marxuumka ayaa waxay noqotay “Dawladihii aan u shaqayn jiray”. Taasina waxay kuu cadaynaysaa in Cawad Casharo Qarankiisa uu Iskaa u qabsio ugu shaqaynayey, isaga oo xitaa Sariir saaran