26th December 2024 admin Category :
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Abdi diirshe iyo Agaasimaha Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda ee NOA Maxamaed Daahir Faarax, ayaa gaaray Dalka Germany, Halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Dowladdaasi.
Madaxda labada dowladood ayaa ka wada hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay oo toos ah muddo ku siman 30 ka dib, waxaana heshiiskan uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, Heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Germany .
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga X. F. S. Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Heshiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jira heshiiska.
“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.
Dr. Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan Qaaradda Africa ayaa boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in Soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in maalgashi lagu sameysto.